Dowladda oo Qalab looga hortago COVID 19 ku wareejisey laba Maamul Goboleed

Dowladda oo Qalab looga hortago COVID 19 ku wareejisey laba Maamul Goboleed

Wasaaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u sii dhiibtay Maamul Goboleedada Galmudug iyo Hirshabeelle qalab loogu talo galay ka hortaga cudurka Corona.

Deeqdaan ayaa Dawladda Soomaaliya waxay kasoo gaartay Jack Ma Foundation oo ah Shirkad uu leeyhay maalqabeen u dhashay halka markii hore uu Cudurka Corona kasoo bilaawdey ee shiinaha.

Qalabkan ay Maanta Wasaaradda Caafimaadku sii dhiibtay ayaa ah qoondadi Maamul Goboleedyada loogu talo galay teedii ugu danbaysay oo la diro dowlad goboleedyada.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qalabkan dhamaan ku wareejisey Maamul goboleedyada Dalka,sida.Puntland,Jubbaland, Soomaaliland,Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Gobolka Banaadir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com