Madaxweyne hore Afrikaan ah oo ka mid noqday dadka u geeriyooday Coronavirus

HomeWararka

Madaxweyne hore Afrikaan ah oo ka mid noqday dadka u geeriyooday Coronavirus

Madaxweynihii hore ee Congo Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaddib markii uu ku dhacay cudurka

QM oo sheegtay in Colaada Deegaannada Jubbaland ka Barakaceen 9,000 oo Qoys
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Najax iyo Buugeedii Rajadii Umadda (dhegayso)

Madaxweynihii hore ee Congo Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus COVID-19.

Yhombi-Opango ayaa da’diisa aheyd 81 sano jiray, waxaana qoyksiisa ay sheegeen inuu xanuunsaday markii uu ku dhacay Coronavirus.

Mr Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa dalka Congo ka talinayay sanadihii 1977-1979, waxaa xilligaas xukunka ka tuuray Madaxweyne kuxigeenkiisii oo haatan ah Madaxweynaha xilka haayo ee Congo Denis Sassou Nguesso.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaare ka noqday dalka Congo sanadihii 1993 illaa 1996.

Mr Yhombi-Opango ayaa sanado badan xirnaa, waxaana uu u cararay dalka Faransiiska oo uu muddo 10 sano dibad joog ku ahaa.

Cudurka Coronavirus ayaa dhibaato xooggan ku haya adduunka, waxaa u dhintay kumanaan ruux, halka boqolaal kun oo kale uu ku dhacay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: