Dowladda Federaalka oo Amaro cusub soo saartay

HomeWararka

Dowladda Federaalka oo Amaro cusub soo saartay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawaqday in maanta la xirayo dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan wadanka, si looga

Xildhibaan katirsan Barlamaanka DFS oo kawarbixiyeey Ciidamo lagu diyaariyeey Marko
Waa maxay hadafka laga lahaa bandhig Nabadda Buugaagta ee Gaalkacyo? ( daawo)
Wasiiru dowladaha arimaha dibaddda Soomaaliya oo la kulmay wasiirka dibadda Turkiga

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawaqday in maanta la xirayo dugisayda Quraanka Kariimka iyo Mawlacyada lagu barto Diinta ee ka furan wadanka, si looga hortago faafida xanuunka Covid-19.

Xayiraadda ayaa la sheegay inay socon doonto labo todobaad iyadoo dib loo eegi doono labo todobaad kadib haddii la furayo dugsiyada iyo haddii waqti kale lagu darayo.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamad Xasan ayaa sheegay in tallaabada lagu xirayo dugsiyada quraanka ay dhaqangalayaan maanta oo Talaado ah.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aysan qaadan go’aanka lagu xirayo dugsiyada ay wada-tashi la sameeyeen dhinacyada ay qusayso.

“Inta aanan la wadaagin bulshada Soomaaliyeed waxaan kala tashanay culumada iyo maclimiinta waxaana u sheegnay khatarta uu cudurkan leeyahay iyo caruurta dugsiyada isugu imanaysa”, ayuu yiri Mr Sheekh Nuur.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka ee Muqdisho iyo gobolada qaarkood ay saaka fasaxeen Macalimiinta Ardeyda,iyaga oo fulinaya Amarka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: