Wasiiru dowladaha arimaha dibaddda Soomaaliya oo la kulmay wasiirka dibadda Turkiga

HomeWararka

Wasiiru dowladaha arimaha dibaddda Soomaaliya oo la kulmay wasiirka dibadda Turkiga

Kulan gaar ah oo mas’uuliyiinta Wasaaradaha arrimaha dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambuul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay

Minneapolis MN | Waraysi kulul Arimaha Doroshoyinka Puntaland & Gudoomiya Abshir Bashiir
Axmed Madoobe oo Guddiga FEIT kala hadlay doorashada16 kursi ee Ceelwaaq
Puntland: Halis aan lagu baraarugsanayn oo horseedi karta markale inuu CIVID 19 galaafto dad badan

Kulan gaar ah oo mas’uuliyiinta Wasaaradaha arrimaha dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambuul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay xoojin ilaa qaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya labada Dal.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr Cabdi oo dalka Turkiga kaga qeybgalay shir u dhexeeya Dowladaha Afrika iyo Turkiga ayaa waxaa uu la kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Dalkaasi.

Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirk arrimaha dibadda ee Turkiga iyo Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr ayaa isla gorfeeyey sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada Dowladood.

Waxyaabaha ay sid agaarka ah ugu hadleen waxaa kamid ah arrimaha siyaasadda,dhaqaalaha,maalgashiga iyo dhamaan in la horumariyo howlaha danwadaagaha ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa daba socday shir ay lahayeen Wasiirada arrimaha Dibadd aee wadamada Afrika iyo Turkiga,kaasi oo looga hadlayay sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa dhinacyadaasi.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo kordhay dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga uu Turkigu la wadaago wadamada Afrika oo uu u arko in ay muhiim u yihiin straatiijiyada ahaan wadankiisa,isagoo sameeya mashaariic horumarineed iyo maalgelin sida Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: