Dowladda Kenya oo Maraykanka ku wargelisay in AMISOM xiligan aysan kabixi Karrin Somaaliya

HomeWararka

Dowladda Kenya oo Maraykanka ku wargelisay in AMISOM xiligan aysan kabixi Karrin Somaaliya

Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Dowladda Mareykanka in aysan xilligan suuragal ahayn in howlgalka AMISOM la soo gaba gabeeyo islamarkaana Ciidamada

Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay beelo dagaalamay
Wasaaradda Waxbarashadda Somaaliya oo deeq Waxbarasho ka heshay Dalal kala duwan
Shacabka Muqdisho iyo Tacadiyada ay kala kulmaan ciidamada AMISOM (Sawirro)

Dowladda Kenya ayaa ku wargelisay Dowladda Mareykanka in aysan xilligan suuragal ahayn in howlgalka AMISOM la soo gaba gabeeyo islamarkaana Ciidamada AMISOM aysan haddaka bixi karin Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Kenya iyo ku xigeenkiisa ayaa waxaa uu Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson.

Kulankaas ayaa looga wadahadlay taageerada Dowladda Marykanka ee Kenya,waxaana wasiir Rex Tillerson uu Kenya u ballan qaaday in qorsha qaran ee afarta Qodob ah ee Uhuru Kenyatta ay wax kala qabaneyso.

Dhinaca kale waxaa ay isla soo qaadeen taageerada amaanka ee Kenya ay ka dooneyso Mareykanka iyada oo dowladda Kenya ay Mareykanka ka dalbatay in ay kaalmo dheeraad ah oo dhinaca amaanka ah siiyo.

Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay Rex Tillerson in inta aan la soo gaba gabeeyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya loo baahanyahayn in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo.

Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in amniga Soomaaliya uu ilaa hadda ku tiirsanyahay Ciidanka AMISOM haddii ay dhacdo fulinta qorshaha golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ee lagu saarayo ciidanka AMISOMna ay dib u dhac ku tahay guulaha uu gaaray howlgalka AMISOM.

Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Kampala waxaa ay ku go’aamiyeen in Ciidamada AMISOM aysan ka bixi karin Soomaaliya,iyada oo haddii ay dhacdana au taas ka dhigantahay fashil ku yimaado howlgalkaa AMISOM ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: