Wasiir Beyle oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirada Maaliyada Dowlad gobaleedyada

Wasiir Beyle oo Muqdisho ku qaabilay Wasiirada Maaliyada Dowlad gobaleedyada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan aan caadi ahayn waxaa uu magaalada Muqdisho kula qaatay Wasiirrada maaliyadda dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ujeedada kulankaas ay tahay sidii loo mideyn lahaa islamarkaana hal mar canshuurta looga qaadi lahaa dalka oo dhan si ay wasaaradda u dejiso Siyaasadda dhaqaalaha dalka.

Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah iyo Ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay goradda isla galay kaddib markii uu wasiirku soo rogay canshuurta iibka oo lagu qaadayo dekadda Muqdisho waxaana ay taas sababtay in Ganacsatada ay ku dhaqaaqaan shaqo joojin.

Wasiir Beyle ayaa hadda sheegaya in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay Ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com