Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday 156 qof kiisas cusub oo Fayraska Koroona

Dowladda Jabuuti oo ku dhawaaqday 156 qof kiisas cusub oo Fayraska Koroona

Dowladda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday kiisas cusub oo cudurka Coronavirus, kuwaasoo gaaraya illaa 156 qof oo laga helay Fayraska COVID-19.

Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd hal mar mid ka mid ah dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay tirada guud ee cudurka Coronavirus noqoneysa 591 ruux oo Jabuuti oo dhan ah, waxaana tiradan ku jira ajaaniib aan u dhalan dalkaas.

Illaa iyo hadda labo ruux ayaa u geeriyooday cudurkan, sida ay Wasaaradda caafimaadka Jabuuti horay ugu dhawaaqday.

Cudurka Coronavirus ayaa si xooggan ugu faafaya dalalka ku yaalla Geeska Afrika, waxaana dalalkaas ay soo rogeen bandow habeenki ah oo lagu hakinayo dhaq dhaqaaqa guud, si looga hortago faafitaanka Coronavirus.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com