Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo ku shiraya Kismaayo

HomeWararka

Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo ku shiraya Kismaayo

Shir looga hadlayo ammaanka ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, kaasi oo dhexmaraya dowladda dhexe iyo dowlad g

Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
MAANHADAL: Isbadalka Siyaasadda Gobalka Geeska Africa (dhegayso)
Xubno kamid ah guddiga xalinta khilafaadka doorashooyinka oo Baydhabo u safray

Shir looga hadlayo ammaanka ayaa maanta ka furmaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, kaasi oo dhexmaraya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo sidoo kalle diiradda lagu saari doono la dagaalanka Al-shabaab iyo iskaashiga dhanka amaanka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa waxaa furi doona wasiirka amniga ee dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamud Abuukar Islow.

Wakiilo kasocda dowlad goboleedyada ayaa shirkan ka qaybgali doona.

Dowladda dhexe ayaa horay ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab, inkastoo ay dowladda arimaha dagaalada ay xoogga ku saarto koonfurta Soomaaliya xilli ay Al-shabaab ay mararka qaar qaraxyo iyo falal amaan darro ay gaystaan qaybo ka mid ah Puntland.

Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada oo horay shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku raacay dagaal balaaran oo kadhan ah Al-shabaab oo lagu qaado deegaamada ay kaga suganyihiin dalka.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: