Tirinta codadka ee doorashooyinka Somaliland oo socota

Waxaa ka socda magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland iyo deegaamadii shalay ay ka dhaceen doorashooyinka Somaliland tirinta codadkii doorashada ee shalay la dhiibtay.

Doorashadan oo ay ku loolamayaan sadexda xisbi ee kala ah  Kulmiye, Ucid iyo Wadani ayaa waxaa wararka hordhaca ee soo baxaya ay sheegayaan labada xisbi ee Kulmiye iyo Wadani ay aad isugu dhaganyihiin dhanka doorashooyinka.

Guud ahaan waxaa hawada ka maqan baraha bulshada sida Facebooka iyo Twitterka ee Somaliland, kadib markii gudigu sheegeen inay keeni karaan natiijooyinka oo laga hordhaco haddii aan laga xanibin gudaha Somaliland.

Natiijada oo saacadaha dambe ee maanta la dhowrayo in lagu dhawaaqo ayaa waxaa dhanka kalle si’aad ugu taagaya shacabkii shalay codkooda dhiibtay.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com