Wasiirka arimaha dibadda ee faderaalka oo hortagaya baarlamaanka aqalka sare

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda faderaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta oo Talaado ah hortagaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la filayaa in wax laga waydiiyo howlaha wasaaraddiisa u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay iyo waxyaabaha gaabiska noqday.

Golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 54 xubnood matalana dowlad goboleedyada ayaa maalmihii u dambeeyey waday barnaamijyo su’aalo ay ku waydiinayeen wasaaradaha xukuumadda faderaalka ee Soomaaliya.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com