Dowladaha Itoobiya & Suudan oo heshiis kala saxiixday

HomeWararka

Dowladaha Itoobiya & Suudan oo heshiis kala saxiixday

Booliska Federaalka Itoobiya iyo Booliska Qaranka Koonfurta Suudaan ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad ah (MoU) si ay hawlgal wadajir ah uga fuli

MUQDISHO: Waalidiinta dhalinyaro loo qaaday Eretria oo bannaanbax dhigay
Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay Xubno katirsan Kooxda Al Shabaab
Warka Fiidnimo iyo Cabdirisaaq Cabddala Faamoos, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Booliska Federaalka Itoobiya iyo Booliska Qaranka Koonfurta Suudaan ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad ah (MoU) si ay hawlgal wadajir ah uga fuliyaan aagga xadka.

Is-fahamka waxaa magaalada Juba maanta ku kala saxiixday Taliyaha Komishanka Bilayska Federaalka Itoobiya Jeneraal Demelash Gebremicheal iyo Isbatooraha Guud ee Booliska General Majak Akec Malok oo ka tirsan Adeegga Bilayska Qaranka ee Koonfurta Suudaan.

Heshiiska ayaa dhigaya in labada dal ay qaadi doonaan hawlgal wadajir ah oo looga hortagayo dambiyada xuduudaha, tahriibinta dadka iyo qulqulka hubka sharci darrada ah.

Waxay sidoo kale la wadaagi doonaan macluumaad iyo khibrad sidoo kale waxay iska kaashan doonaan tababarka saraakiisha bilayska Koonfurta Suudaan ee kuleejka jaamacadda booliska ee Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: