Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay Xubno katirsan Kooxda Al Shabaab

Ciidamada ATMIS oo Sh/Hoose ku dilay Xubno katirsan Kooxda Al Shabaab

Ciidamada ATMIS eek u sugan Gobolka Sh/Hoose,gaar ahaan Magaalada Baladul-Amiin ayaa dilay qaar kamid ah kooxaha khawaarijta oo doonaayey in ay isku dayaan weeraro gaadmo ah oo ay ka fuliyaan halkaasi.

Afhayeenka ciidamada ATMIS Lt Col Abdullahi Hassan Ganale (KDF) oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa sheegay in deegaanka Baladul-Amiin ay ku dileen 2 ka tirsan kooxaha khawaarijta ee Al-shabaab.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeen 2 qori iyo 130 xabbo oo rasaas ah,kadib markii tiro badan oo khawaarijta ah lagu jabiyay goobtii dagaalka.

Jabka iyo khasaaraha la gaarsiiyay kooxdaasi ayaa nafis u ah dadka rayidka ah ee la daalaa dhacaya baadda canshuurta sharci darrada ah iyo raashinka beeraleyda ee sida qasabka ah ay u qaataan kooxdaasi.

Beledul-Amiin waa dhul beereed ka tirsan Gobolka Sh/Hoose,waxayna 82 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan tahay magaalada Muqdisho

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com