UK iyo UN oo kala saxiixday heshiis wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya

UK iyo UN oo kala saxiixday heshiis wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Soomaaliya

Dowladda Ingiriiska iyo Xafiisyada Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, kaas oo looga gol leeyahay in wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka taagan Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa qeexaya bixinta lacago dheeri ah oo loogu talagalay baahiyaha degdegga ah ee nafaha lagu badbaadinayo, waxaana safaaradda UK ee Muqdisho ay shaacisay Jimcihii shalay.

Safaaradda Britain ee Muqdisho ayaa xaqiijisay sida ay uga go’an tahay UK inay bixiso 7 milyan oo dollar oo gargaar ah iyadoo loo marayo heshiiska is-afgaradka ee la saxiixay.

Dhaqaalahan ayaa waxaa loo diyaariyey in wax looga qabto baahiyaha bini’aadantinimo ee degdega ah ee Soomaaliya, iyo in lagu xoojiyo dadaalka UK ee taageerada dadka Soomaaliyeed.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa carrabka ku adkeeyay saameynta ballaaran ee gargaarka bini’aadantinimo ay ku yeelan karaan gobollada ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen guud ahaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay taageerada joogtada ah ee UK ay siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Isku duwaha arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya, Mr George Conway, ayaa sheegay in macluul ku soo fool lahayd Soomaaliya la baajiyay, taasoo ay ugu wacan tahay wax ka qabashada arrimaha bini’aadantinimo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com