Madasha Badbaado Qaran oo warqad Furan u qoray Beesha Caalamka (Akhriso)

HomeWararka

Madasha Badbaado Qaran oo warqad Furan u qoray Beesha Caalamka (Akhriso)

Madasha Badbaado Qaran oo maalmo ka qor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuna mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Midowga Mushara

Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka| (Taxanaha 113aad)
Madaxa xukumadda Galmudug oo la kulmay Saraakil AMISOM ka tirsan.(Sawiro)
Shaqaalaha Gobalka Banaadir oo la tirakobayo (dhegayso)

Madasha Badbaado Qaran oo maalmo ka qor looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuna mideysan yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo hoggaaminaya Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa soo saaray warqad furan ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo.

Warqadan oo ay u qoreen Beesha Caalamka, sida Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, UK, Midowga Afrika, Ururada Caalamka ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ay sharciyada ka dhamaatay, isla markaana uu awoodda ciidan u adeegsanayo dano shaqsi ah.

Qoraalka oo ku qoran luuqada Engilish-ka ayaa waxaa lagu sheegay in Farmaajo aanu laheyn sharciyad uu shir isugu yeero, iyagoo soo jeediyay in shirka la ballaariyo oo saamileydu ka qeyb gasho, iyo inuu amniga doorashooyinka wareejiyo.

“Madasha Badbaadada Qaranka waxay bogaadineysaa dadaalka wada-hawlgalayaasha Caalamiga ah ee looga sii gudbayo qalalaasaha siyaasadeed ee hadda jira oo ay abuureen doorashooyinka daba dheeraaday. waxay si kal iyo laab ah u soo dhaweynaysaa hadalkii Xog-hayaha arimaha dibada Mareykanka ee fikirka iyo dagdaga ah ee doorashada Somalia & daneeyeyaasha muhiimka ah ee geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaan ala wadaagnaa dareen isku mid ah oo deg-deg ah oo loogu gudbayo doorashooyinka”ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku guuldareystay inuu hoggaamiyo hannaan doorasho oo ku saleysan is afgarad sharci ah iyo cadaalad loo dhan ah oo ah mas’uuliyada ugu dambeysa ee Madaxweyne kasta, ayna tahay aas aaska amniga iyo horumarka mustaqbalka dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: