Doorashada Soomaaliya dib-u-dhac jira iyo daldaloolo yeelashadeeda| Waraysi (daawo)

Doorashada Soomaaliya dib-u-dhac jira iyo daldaloolo yeelashadeeda| Waraysi (daawo)

Sida ku caddayd Jadwalkii doorasho ee ugu dambeeyey ee dhanka siyaasadda, ayna isla meeleeyeen madaxda Soomaalidu, waxay ahayd dad xulashada baarlamaan ee dawladda dhexe ee Soomaaliya in ay bilaabato maanta oo bisha November ay tahay 1, hase ahaatee taasi ma dhicin.

Tallaabadaasi waa mid muujinaysa jiritaanka dib-dhac bilawgiiga muuqday, waxaana taas ka horraysay xilliga magacaabidda guddiga doorasho iyo dhammaystirkiisa oo iyana mudda dhaaftay.

Taas ka sokow hannaanka soocdaminta baarlamaanka ayaa laftigeeda la tilmaamayaa in aysan qurxoonayn,iyadoo horay loo bidhaaminayey taxadar la xiriira in laga weecdo waddooyinkii hore oo lahaa madmadawyo badan.

Caasho Geelle Diiriye muddo dheer ayay ku soo jirtay siyaasadda, haddase waxay ka tirsan tahay ururada bulshada rayidka ah ee u olaleeyaha arrimaha dawlad dhiska Soomaaliya.

Caasho, wareysi aan la yeelanay ayay uga warramaysaa illaa hadda sida wax u socdaan, jadwalkii meelaysnaa sida uu ahaa.

wariye cabdifataax Cumar Geedi ayay uwarantay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com