Maxaa la gudboon bulshada xilligaan oo loo weelqaaday dawlad dhiska iyo dad xulashada Baarlamaan| Waraysi (daawo)

HomeWararka

Maxaa la gudboon bulshada xilligaan oo loo weelqaaday dawlad dhiska iyo dad xulashada Baarlamaan| Waraysi (daawo)

Doorashada hadda loo weelqaaday ee Soomaaliya horay waxaa loo filayey in ay noqoto mid qof iyo codkiisa ah, hase ahaatee taasi waxaa lagu hungoobay ka

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xukun dil ah oo lagu riday sarkaal sare oo katirsan DF Soomaaliya (dhegayso)
Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Mursal oo Cambareyeey Xarigii Mukhtaar Roobow (Daawo)

Doorashada hadda loo weelqaaday ee Soomaaliya horay waxaa loo filayey in ay noqoto mid qof iyo codkiisa ah, hase ahaatee taasi waxaa lagu hungoobay kadib markii wakhtigii idlaaday iyadoon la ebyin arrimihii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Doorashada dib loogu laabtay waa middii dadbanayd ee sannadkii 2016kii,inkastoo ergo ahaan middaan dad badantahay.

Amaan badan ma kasban doorashadii middaan ka horraysay marka loo fiiriyo habkii xildhibaannadu ku soo baxeen oo liidashooyin badan lahayd, waana mid laga arkay waxtarkii loo fadhiyey.

Maanta waa maalin kale oo dad xulasho, talana la gudboontahay dadka Soomaaliyeed, siiba inta leh awoodda xulidda xildhibaannada iyo midda ergooyinba.

Maxamed Cabdi Wahaab waa aqoonyahan Soomaaliyeed, ahan xeeldheera arrimaha doorashooyinka iyo dib-uheshiisiinta. Wuxuu haatan ku suganyahay Addisababa, wareysi uu siiyey warbaahinta Daljir ayuu ku sharraxayaa doorkaan iyo dadka Soomaaliyeed waxa la gudboon.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: