Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabanaysa Kismaayo

HomeWararka

Doorashada Aqalka Sare oo maanta ka bilaabanaysa Kismaayo

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ay maanta dooranayaan afar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka mid ah 8 kursi ee Kismaayo ka soo gala

Booliska Australia oo Toogasho Ku Diley Wiil Soomaali ah (Sawirro)
“Itoobiya, Soomaaliya iyo Eriteriya masii yeelan doonaan sadex madaxwayne”Abey Axmed
Ciidamada Nabad Sugidda Puntland oo Gurmad Gaarsiiyey Taleex (sawirro)

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxaa ay maanta dooranayaan afar ka mid ah kuraasta Aqalka Sare oo ka mid ah 8 kursi ee Kismaayo ka soo galaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Siddeed musharax ayaa u tartamaysa kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo iyagoo musharaxiintana ay ku jiraan xubno cusub oo aan hore uga tirsanayn Senatorada Aqalka Sare.

Doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee ka dhacaysa magaalada Kismaayo ayaa waxaa goobjoog ka noqonaya guddiyada doorashooyinka Faderaal iyo guddiga xalinka Khilaafaadka.

Xubanaha isku diiwaan galiyay doorashada maanta waxaa ka mid ah;

1: Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Axmed Maxamed Jaamac
2: Xalimo Jaamac Maxamed
Cabdirisaaq Maxamed Cismaan
3: Ilyaas Badal Gaboose
Maxamed Axmed Sayid
4-Sharmake Maxamed Cabdi
Ibrahim Yacquub Ismaacil.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: