“Itoobiya, Soomaaliya iyo Eriteriya masii yeelan doonaan sadex madaxwayne”Abey Axmed

Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa tilmaamay gobolka Geeska  Afrika inuu sii yeelan doonin sadex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee Amxaarada, iyadoo ay dhinac taaganyihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sidaasina waxaa qortay Eritrean Press (EP).

Abey ma sheegin goorta loo cayimay inay midoowaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka.

Madxawaynaha Eriteriya Isais Afwerki, madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Dr Abey ayaa booqday magaalada Gondar oo uu ku aasanyahay madaxwaynaha Eriteriya awoowgiisa, sadexda hogaamiye ayaa kulan sadex geesood ah oo ay yeesheen waxaa ay uga hadleen dhaqaalaha, isdhexgalka siyaasadda Geeska Afrika iyo heshiiskii Asmara ay horay ugu soo saxiixdeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay.

“Hadda waxa aynu u gudbaynaa wada shaqayn dhanka gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo inaan xaqiijino iyo la dagaalanka faqriga.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com