Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo la kulmay Safiirka Turkiga ee dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mehmet Yılmaz.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mehmet Yılmaz ayaa kulankaan kaga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka, wax ka qabashadaFatahaadaha, Maalgashiga deegaanada Hirshabeelle iyo shaqo abuur Dhalinyarada.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Safiirka Dowlada Turkiga dadaalada wax tarka leh ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Cali Cabdulaahi Xuseen Madaxweynaha Hirshabelle ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa caasimada dalka isagoo sidoo la kulmay wakiilo kale oo ka socda wadamada dowlada federalka ay saaxibada yihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com