“DOOLOW & DALJIR” – WARBIXIN TII AAN TABAYEY AH

HomeWararka

“DOOLOW & DALJIR” – WARBIXIN TII AAN TABAYEY AH

"DOOLOW & DALJIR" - WARBIXIN TII AAN TABAYEY AH | Waxaa qoray Bare Saxaafadeed Burhaan Axmed Daahir > Goor hore oo caawa ah mar aan doondoonay

Taliyihii Saldhiga Boliiska Nuur Salaad ee Bosaso oo La dhaawacay
QARDHO IYO QAABKII AY CODKOODA U DHIIBTEEN DADKA BAAHIYAHA GAARKA AH QABA (daawo)
Ciidamada dowladda , AMISOM iyo Al-shabaab oo xalay ku dagaalamay Shabeelada hoose

“DOOLOW & DALJIR” – WARBIXIN TII AAN TABAYEY AH | Waxaa qoray Bare Saxaafadeed Burhaan Axmed Daahir
> Goor hore oo caawa ah mar aan doondoonayey sheekooyin aan daneeyo oo wacaallada gayigeenna la xidhiisha, ayaan si ku helay warbixin ku saabsan degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Degelka Faysbuugga ee Raadiye Dajir ayaa warbixintaasi oo muuqaal ah laga baahiyey. Wariye, Maxamed Xasan Dhalo oo ah wariye Daljir ka tirsan oo wartebintiisa la majeerto ayaa warbixintan Doolow ka soo tebinaya.

Doolow waxaa ay ma mid tahay degmooyinka dalkeenna ee aanan weligay tegin wax xog ah oo sidaa u buuraanna aanan ka ogeyn, marka laga reebo in aan ogaa in ay tahay magaalo muhiim ah oo labo u qaybsan, laba dalna (Soomaaliya iyo Itoobiya) ay wadaagaan oo dhacda xuduudda Koonfur Galbeed ee dalkeennu la wadaago Itoobiya. Intaa waxaa weheliya in aan ka war hayey in webiga Jubba oo goobtaa maraa uu yahay kan xadeeya labada daan ee magaalada ee dociba dal raacsan tahay.

Waa sababtaa midda igu xambaartay in aan daneeyo oo daawado sheekada Doolow, si aan u kordhiyo xogta ku saabsan iyo aqoonta aan u leeyahay Doolow.
Haddaba wixii aan raadinayey warbixinta ma ka helay?!

Jawaabtii oo kooban waa sidan. Waa warbixin muuqaal kaamil ah naga siinaysa Doolow . Dhinacyadii ugu muhiimsanaa nolosha iyo xaaladda degmada ayay ka warrantay. Habka tebinta iyo edheyada weriyuhu u xushayba waa cuddoon yihiin, oo si fudud ayey kuu xiiso gelinaysaa.

Sidayda oo kale, qofkii aan Doolow aqoon iyo kii yaqaan balse muddo degmada moogaa, warbixintani barasho iyo ogaal ugu filan. Daneeyayaasha kala duwan, shacab, dawlad, ciddii samafal iyo horumar ku hawllan; dal joog iyo dibadjoog kay ahaatoba waa wartebin ay ka helayaan xog waafiya.

Waa tan oo kale nooca wartebinta maanta warbaahinteenna looga baahan yahay. Waa mid kale oo ka mid ah waxqabadka qaayaha leh ee weriye Maxamed Xasan Dhalo iyo warbaaintiisa Daljir.

Si aad iila aragto sheekada Doolow, daalaco xidhiidhtan:
https://www.facebook.com/RDaljir/videos/1106664186520592/
Mahad baan uga hayaa warbaahinta Daljir iyo wariye Maxamed ba dadaalka weyn iyo shaqadooda waxtarka ah.
Burhaan Axmed Daahir
Garoowe

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: