Diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socda

HomeWararka

Diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran oo Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobole

Saaka & Dunida iyo Nimco Nasab, Daljir Gaalkacyo ( dhegayso)
Dr. Dhagacade: “Dowladu waa in ay sharciga marisaa ciddii falkaan geysatay”
Yaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday Britain? (Akhriso)

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowga Shirka golaha wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyadda, waxaana lagu waddaa in shirka uu furmo maalinta isniinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, waxaana uu kala hadlay furitaanka Shirka golaha wadatashiga qaran.

Kulankaan ayaa ka dhacay Hoteelka oo ay degan yihiin Madaxda maamulada, waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo dardargalin kahaaa Shirka golaha wadatashiga qaran.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono Shirka, islamarkaana inta badan Madaxda maamulada ay soo gaareen Muqdisho.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo horay shirkaasi u caddeeyay in uusan ka qeyb galin in uu ka qeyb gali doono uuna soo gaari doono maanta Magaalada Muqdisho.

“Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan, Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda. Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: