Yaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday Britain? (Akhriso)

Yaa ku guulaystay doorashadii ka dhacday Britain? (Akhriso)

Xisbiga Conservative ayaa ku guul taariikhi ah ka soo hoyay doorashadii shalay ka dhacday Britain, taasoo mar kale Ra’iisul Wasaare Boris Johnson siineysa inuu sii hoggaamiyo Xafiiska Downing Street ee looga arrimiyo UK.

Mr Johnson iyo Xisbigiisa ayaa guul ka soo hoyay goobo markii hore ku guuleysan hireen Xisbiga Shaqaalaha, waxaana tani ka dhigan in Xisbiga Conservative-ka ay guul weyn ka gaaraan doorashada sodon sano kaddib.

Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in guushan ay mar kale siineyso fursad uu ku hirgeliyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.

Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203, halka Xisbiyada kale ay wada heleen SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.

Tani ayaa waxay noqoneysa in Xisbiga Conservative-ka uu aqlabiyadii ugu ballaarneyd ku yeelan doonaan Baarlamaanka dalkaas, oo sidan oo kale sanadkii 1987, xilligaasoo ay Ra’iisul Wasaare ka aheyd Britain Margaret Thatcher.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    LIVE BAAN XALAY ULA SOCDAY DEGMO DEGMO.
    LKN XALAY WAXAY FARIIN U DIREEN  SHACABKA UK URURKA EU.
    FARIINTAAOO AHAYD NABADEEY EU.
    LKN BRITAIN TRUMP WAA BORAS JOHNSON WAA UUN FAARUQ FAATAALE AH.100% WAXAA MACQUULSANAA ODAYGII LABOUR-ka COBYN LKN IAM SORRY!!.
    FIIRO GAARA:
    SIYAASADA YURUB HADA WAXAY USOO JANJEERSATAY XISBIYADA NATIONALIISAMKA AH LKN MAXAASE XIGA? WAXAA XIGA:
    IGA QORA:XISBIYADA CUNSURIGA AH AYAA BEDELI DOONA 10-15 SANO GUDAHOOD LABA ILAA SEDEX XILI DOORASHO GUDAHOOD.OK,WAA JARANJARO LASOO KORAYO.
    FIIRSO JARANJARADAN:
    MARKA HORE WAA XISBIYASDA  NATIONALISAMKA AH AMA U JANJEERRA=ANAGA OOKALIYA MAXAA DAN NOO AH.
    MARKA XIGA WAA XISBIYADA CUNSURI=ANAGU CIDNA MA RABNO,MAYA CID KALE.
    MARKA SEDEXAAD WAA DAGAAL QARXA & URURADII AY HESHIISKA KU AHAAYEEN OO LAGU KALA TAGO SIDA GOLAHA EU-da.!!!!!…
    WAXAAN ARKAA YURUB MEESHA AY KU SOCOTO!!!!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com