KISMAAYO: Taliye Saldhig oo ku dhaawacmay dagaal dhexmaray Ciidamada & Koox burcad ah

HomeWararka

KISMAAYO: Taliye Saldhig oo ku dhaawacmay dagaal dhexmaray Ciidamada & Koox burcad ah

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Booliska iyo koox burcad ah oo uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka saldhigga degmada Kaaraan Daa,uud Dalmar ayaa xal

Mareykanka oo Ciidamadiisa kala baxaya Saldhigga Bagram ee Afghanistan
Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo qaabilay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka
Madaxweyne Waare oo farageliyey khilaaf u dhaxeeya Xubno kamid ah Maamulkiisa

Iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Booliska iyo koox burcad ah oo uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenka saldhigga degmada Kaaraan Daa,uud Dalmar ayaa xalay ka dhacay xaafad kamid ah degmada Kaaraan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintey mid ka mid ah kooxda hubeysan halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan kooxda hubeysan ee dagaalka la gashay ciidamada Booliska ay qaarkood xirnaayeen tuutaha ciidamada milatariga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Booliska iskahorimaadka xalay ka dhacay degmada Kaaraan.

Degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku sugan dabley hubeysan oo dadka dhac u geysta iyadoo ay aad uyar tahay howlgalada ay ciidamada dowlada ka fuliyaan xaafadaha degmada Kaaraan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: