12 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Hindiya

HomeWararka

12 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday Hindiya

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay 13 kalana waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysto oo ku taal Kashmir saacadihii hore ee s

Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Guddiyada ay shaqo wadaagayihiin oo yeeshay kulan wadajir ah
QM oo ku baaqday in DFS & dowlad Goboleedyada u Midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay 13 kalana waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysto oo ku taal Kashmir saacadihii hore ee sabtida, sida ay sheegeen saraakiisha India.

“Ugu yaraan 12 qof ayaa naftooda ku waayey 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen,” mid ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP oo diiday in magaciisa la shaaciyo.

“Khasaaruhu wuu badnaan karaa maadaama dariiqa loo maro macbadka buurta sare ay ka buuxaan dad cibaadaysanaya oo isku dayaya inay sameeyaan booqashooyinka sanadka cusub iyo ducada,” ayuu yidhi.

Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee CNN-News18 ee Hindiya ayaa sidoo kale xaqiijisay isbuurashada la sheegay iyo khasaaraha. Sawirro laga sii daayay telefishinka ayaa sidoo kale muujinayay dhowr baabuur oo ambalaas ah oo ku yaacay goobta uu shilku ka dhacay.

Mata Vaishno Devi waa mid ka mid ah macbadyada Hinduuga ee aadka looga qadariyo waqooyiga Hindiya, iyadoo tobanaan kun ay booqdaan si ay u tukadaan maalin kasta.

Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka masiibooyinka ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, isagoo sheegay in isbuurashadu ay dhacday 2:45 subaxnimo.

“Aad ayaan uga xumahay khasaaraha nafeed,” Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa ku yiri Twitter-ka, isaga oo intaa ku daray in uu la xiriiray mas’uuliyiinta deegaanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: