Maqal iyo muuqaalo cusub oo ku saabsan dilka Jamal khashoggi oo Turkigu soo bandhigay iyo macluumaadka Apple iWatch-ka Jamaal

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Maqal iyo muuqaalo cusub oo ku saabsan dilka Jamal khashoggi oo Turkigu soo bandhigay iyo macluumaadka Apple iWatch-ka Jamaal

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in Jamaal Khashoggi si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, laguna dilay amar dusha sare

Wararkii ugu danbeeyey ee Laascaanood, gadood ciidamada Somaliland iyo rasaas dhaceysa
Garoowe oo heshay hoggaan iyo isbaddal toosan (masawiro)
Gaas oo ku hungoobay damaciisii Puntland kuna laabanaya Xamar

Waxaa isa soo taraya wararka ku saabsan in Jamaal Khashoggi si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, laguna dilay amar dusha sare ka yimid iyo sida la malaynayo Amiir Maxamed bin Salmaan.

Dowladda Turki ayaa tartiib-tartiib maalinba maalinka xiga firdhinaysa warar ku saabsan sida Jamaal Khashoggi loogu dhex dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbuul.

Wararkii ugu danbeeyey ee warbaahinta ka agdhow dowladda Turkiga ayaa sheegaya in Jamaal uu asagu qof ahaan duubay habka loo dilay asaga oo is dadban u isticmaalay saacaddiisa iWatch oo ku xiran taleefoonka iPhone oo uu xaaskiisa oo bannaanka qunsuliyadda ku sugeysay uu ugu soo tagay iyo waliba akoonkiisa iCloud oo codadka sii keydisay.

Waxaa kale oo jira warar kale oo sii xoogeysanaya sheegayana in Turkigu ay basaasayeen qunsuliyadda Sucuudiga, ayna hayaan maqal iyo muuqaalo kale oo ku saabsan dilka Jamaal. Laakiin arrimo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo isbiirsaday dartood ay illaa iyo hadda ku adagtahay Turkiga in ay soo bandhigaan caddaymahaas iyo waliba habka ay ku heleen.

Hoos ka dhegayso warbixinta Radio Daljir oo faahfaahsan.

 

Hoos ka daawo muuqaal ahaan warbixinta Radio Daljir oo faahfaahsan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: