Dil qisaas ah oo saakay lagu fuliyey laba nin oo horay dilal ugaystay

HomeWararka

Dil qisaas ah oo saakay lagu fuliyey laba nin oo horay dilal ugaystay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay rag ka tirsanaa ciidamada booliska, kuwaas oo hore loogu xukumay dil toogasho ah, kadib markii l

Wararkii ugu dambeyay ee xaalada Guriceel & Dadkii ka barakacay oo dib ugu soo laabtay
Degmada burtinle ee gobolka nugaal ayaa waxaa maanta ka dhacey isu soobax roob doon ah
Nabadoon lagu dhaawacay kismaayo iyo Jubbaland oo ka hadashay (dhegayso)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay rag ka tirsanaa ciidamada booliska, kuwaas oo hore loogu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dambiyo dilal ah oo ay hore u geysteen.

Raggan ayaa kala ahaa Cabdishakuur Axmed Maxamuud oo hore u dilay Xasan Maxamed Shire oo ay Boliiska ay kawada tirsanaayeen iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo isna boliiska ahaa oo dilay Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif.

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa hore uga dhacay falal dil ah oo ay askarta dowladdu ugu geysteen dad rayid ah iyo askar intaba, iyada oo bilihii lasoo dhaafay maxkamadda ciidamadu xukunno dil ah ku fulisay tobannaan eedeysane oo ka tirsanaa qeybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsanaa Al-shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: