Wararkii ugu dambeyay ee xaalada Guriceel & Dadkii ka barakacay oo dib ugu soo laabtay

HomeWararka

Wararkii ugu dambeyay ee xaalada Guriceel & Dadkii ka barakacay oo dib ugu soo laabtay

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo muddo afar cisho ay ku dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa haatan si caadi ah ku soo l

Cabdiraxmaan Cirro oo ka tacsiyeeyey qaraxii Muqdisho
Alshabaab oo Maanta la Wareegay Degmada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo
Baarlamaanka oo maanta ka shiraya sharciga doorashooyinka dalka

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo muddo afar cisho ay ku dagaalamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa haatan si caadi ah ku soo laabatay iyadoo dadkii ka barakacay magaalada ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan.

Qoysaska ku soo laabanaya magaalada Guriceel ayaa waxaa ay indhahoodu ku arkeen burbur soo gaaray dhismayaal badan oo ku yaal magaalada iyadoo sidoo kale magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo faro badan.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka qeybqaadanayaan sidii dadka guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen iyagoo diyaariyay gaadiid sida uu sheegay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasiiru dowlaha Amniga maamulka Galmdugu ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen laba Kooxood oo suga amniga Goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel, sidoo kalena baaritaano ku sameeya.

“Amniga magaalada waa la xaqiijiyay waxaana aan ka baarnay miinooyinka qarxa laga bilaabo maantana waxaa ka mamnuuc ah in dadka rayidka ah oo aan ka tirsanayn ciidamada ay hub ku dhex qaataan gudaha magaalada.”ayuu yiri wasiiru dowlaha amniga Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Wasiiru Dowlaha in ay soo saari doonaan Xeer guud ahaan Galmudug hub ka dhigis looga bilaabayo, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug inay xeryahooda ku ekaadaan.

Dhinaca Puntland ayaa beeniyay in ay wax taageero ah siiso Ahlu Sunna.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan warar suuqa la geliyay todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in Puntland ay saameyn ku leedahay dagaalkii Guriceel ee u dhaxeeyay Alhusunna iyo Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: