Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Venezuala oo loo qabtay saacado inay uga baxaan

HomeWararka

Diblumaasiyiinta Mareykanka ee Venezuala oo loo qabtay saacado inay uga baxaan

Hogaamiyaha dalka Venezuela ayaa ka jawaabay go'aankii dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi Juan Guaidó  inuu yahay ku

Wasiir Sabriye oo sheegay xiliga uu furmayo shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug (dhegayso)
Abwaanad Diyaana iyo tix Buraanbur ah.
(Akhriso): Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ?

Hogaamiyaha dalka Venezuela ayaa ka jawaabay go’aankii dowladda Mareykanka ay ku aqoonsatay hogaamiyaha mucaaradka dalkaasi Juan Guaidó  inuu yahay kusimaha madaxwaynaha dalka Venezuala.

Mr Maduro ayaa sheegay inuu xiriirkii dimlumaasiyadeed ee dalkiisa uu lahaa wadanka Mareykanka uu jaray, waxaana uu ku amray diblumaasiyiinta Mareykanka ee dalkiisa jooga inay uga baxaan dalka muddo 72- saacadood.

Laakiin dowladda Mareykanka ayaa sheegtay waxa ay ugu yeertay madaxwaynihii hore Maduro inuu lahayn awooddaasi.

Mr Guaidó iyo Mareuykanka ayaa amray ciidamada Vanezuela inay ka amarqaadan hogaamiyaha dalkaasi Maduro, balse wasaaradda gaashaandhigga ayaa taasi badalkeeda cambaaraysay ninka cusub ee ay dowladda Mareykanka ay doonayso inay madaxwayne uga dhigto wadankaasi ku yaala Latin Ameerika.

Todobo wadan oo ku yaala koonfurta dalka Mareykanka oo ay ka mid yihiin Barazil, Colombi iyo Peru ayaa taageeray tilaabada dowladda Mareykanka ay madaxwaynaha sharciga ee Venesuala ay ugu aqoonsanayso Mr Guaidó .

Canada ayaa iyaduna taageertay go’aankaasi, halka Midowga Yurub uu ku baaqay doorashooyin cusub oo laga qabto dalka Venesuala.

dalalka Cuba, Mexico, Bolivia ayaa iyaguna taageero u muujiyay madaxwaynaha dalka Venezuala Maduro oo ay aad isaga soo horjeedaan dowladda Mareykanka.

Dibadbaxyo waawayn ayaa ka dhacay dalka Venezuala oo looga soo soo horjeeda madaxwaynaha dalkaasi Nicolas Maduro, oo loo arkayo inuu ku fashilmay inuu wax ka qabto dhaqaalaha sii dhacaya ee dalkaasi.

Sicir bararka , adeegyada nolosha muhiimka ah oo aan la goyn karin ayaa sababay inay dadka wadankaasi dibadbaxyo isugu soo baxaan.

 

Madaxwayne kuxigeenka Mareykanka ayaa horay ugu baaqay shacabka Venezuala inay dhigaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan hogaamiyaha dalkaasi, isagoona sheegay inay taageerayaan mucaaradka wadankaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: