Madaxwaynaha Mareykanka oo loo diiday in uu jeediyo khudbaddiisii sannadlaha

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu aqbalay diidmada Nancy Pelosi, Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee USA ahna Afhayeenka Aqalka, sheegayna in uu jeedin doono khudbadda sannadlaha ee Aqalka Hoose markii la soo afjaro muranka xiritaanka soo wajahay Dowladda Mareykanka.

Maalinimadii Arbacadii ayaa Guddoomiye Nancy Pelosi u gudbisay casuumadda khudbadda uu ka jeedinayo congresska Trump, iyadoo sheegtay in loo baahanyahay in adeegyada bulshada marka hore dib loo furo inta aan Madaxweyne Trump la hadlin shacabka Mareykanka.

Muranka xiritaanka dowladda USA oo ah qorshe uu watay Madaxwayne Trump ayaa saamayn ku yeeshay sideed boqol oo kun oo ka mid ah shaqaalaha dowladda Mareykanka, oo mushaar aan qaadan ilaa 22kii December.

Trump ayaa doonaya $5.7 bilyan oo doolar oo uu ku dhisayo darbi u dhexeeya Mareykanka iyo Mexico.

Murankan ayaa ka dhigay xiritaanka dowladda Mareykanka kii abid ugu dheeraa taariikhda Mareykanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

 

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com