Dibad-bayo lagu taageerayo doorashadii Qoor-qoor oo ka dhacaya Cadaado iyo Dhuusamareeb

Dibad-bayo lagu taageerayo doorashadii Qoor-qoor oo ka dhacaya Cadaado iyo Dhuusamareeb

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxa maanta lagu qabanayaa  isku soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo ay doorteen baarlamaanka labaad ee Galmudug.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa sugaya ammaanka goobaha loo qorsheeyay isku soo baxa in lagu qabto sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka deegaanka.

 

Lama shaacin ilaa hadda in Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor uu ka qaybgalayo dibadbaxa lagu taageerayo.

Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxaa Madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor kadib markii uu helay 66 cod, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Baaralmaanka labaad ee Galmudug.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com