Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlaya Xakamaynta maandooriyah

HomeWararka

Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya oo ka wada hadlaya Xakamaynta maandooriyah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulan Muqdisho kula qaatay Wakiil goboleedka Xaf

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Ufayn (dhegayso)
Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay 30 ka mid ah Kooxda Alshabaab
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo kulan Muqdisho kula qaatay Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC), Dr. Amado Philip de Andrés.

Labada dhinac Waxa ay diiradda saareen Xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo qeexaya qorshaha qaran ee la dagaalanka maandooriyaha.

Muhiimadda iskaashi dhexmara Soomaaliya iyo Qaramada Midoobe ayay ku sheegeen in ay yareyn karto ama ciribtiri karto walwalka laga qabo maandooriyaha oo halis ku ah nolosha dadka isticmaala.

Qaramada Midoobe ayaa taageero xooggan ku bixineysa ol-olaha ka dhanka ah maandooriyaha dalal ay kamid tahay Soomaaliya si wax looga qabto saameynta taban ee uu ku leeyahay nolasha Bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: