Duqeyn lagu dilay Horjeege ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Jubada dhexe

HomeWararka

Duqeyn lagu dilay Horjeege ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Jubada dhexe

Howgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday xarumo argagaxisada Alshabaab ku leeyihiin me

Gudoomiyihii Hore ee Gudiga Doorashooyinka Puntland Weriye Axmed Kismaayo oo Geeriyoodey
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo soo xiraya heshiisiinta beelo nabadayn ay uga socoto Qardho

Howgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa lagu beegsaday xarumo argagaxisada Alshabaab ku leeyihiin meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe, sida ay sheegeen bayaan ka soo baxay howlgalka Mareykanka ee Africom.

Duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu dilay mid kamid ah horjoogiyaasha argagaxisada  oo ku sugnaa goobta la weeraray , War saxaafadeed ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka soo gaaray shacabka  intii howlgalka uu socday.

Agaasimaha howlgalada taliska Mareykanka ee Africom Maj. Gen. William Gayler, ayaa sheegay in u jeedka howlgalkan uu ahaa sidii cadaadiska loogu kordhin lahaa argagaxisada xiriirka la leh Alqaacida ee Alshabaab.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in saaxiibadooda kala shaqeeyaan sidii mas’uuliyadda amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidanka qaranka dalka ka dib marka la wiiqo awooda argagaxisada.

Bayaanka ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladd Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagaxisada Alshabaab kuwaas oo had iyo jeer ku taamaya burburinta hanaanka dowladnimo ee dalka.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: