HomeUncategorized

Dhimashada dagaalkii ugu dameeyey eedalka Syria oo kor dhaaftay 130 qof.

Syria-25Aug-2012-Dagaallo xoog leh oo maalintii shalay ay ciidamada Syria iyo mucaaradka dalkaasi isaga horyimaadeen ayaa la sheegeyaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 130 ruux.

Taliska Ciidamada daraawiishta Puntland ee difaacca Galgala oo ka waramay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee kadhanka ah Al-shabaab
Tahriibayaal ay Somali ku jiraan oo ku Geeriyooday xeebaha Egypt
Baahin: Salaasa, May 15, Maxamed C. Kuuriya ~ Daljir ~ Bossaso. Maxaa sababay in Issimada Puntland ee ka qayb galayey shirka madax dhaqameedka Somalidu ay ku soo laabtaan Garowe? Wasiir al dawlaha dastuurka ee dawlada federaalka ah oo beeniyey in Issimada Puntland ay Garowe ku laabteen; Iska-horimaad khasaare dhimasho & dhaawacba leh oo ka dhacay Hargeysa; Kuwait oo deeqo waxbarasho & tababaro macallimiin u fidisay Somaliya; Wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah oo ka hadlay.

?

Syria-25Aug-2012-Dagaallo xoog leh oo maalintii shalay ay ciidamada Syria iyo mucaaradka dalkaasi isaga horyimaadeen ayaa la sheegeyaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 130 ruux.
?
Dadka dhintay waxaa ku jira 66 shacab ah, kuwaas oo 17 ka mid ah ay yihiin carruur iyo haween aan waxba galabsan, sidoo kale 34 dadka dhintey ka mid ah ayaa ah ciidamada mucaaradka ka tirsanaa iyo 30 ka mid ahaa askarta dalka Syria.
?
Dagaallada maalintii shalay ka dhacay magaalada Dimishq iyo hareeraheeda, ayaa lagu soo warramayaa in ay ahaayeen kuwii ugu xoogga badnaa ee halkaas ka dhaca, taasooay dalwddu mar kale gudaha u gashay meelo mucaaradku ku xooganaayeen oo ay kamid tahay halka la yiraahdo webiga dimishqi.
?
Waxaana lagusoo warramayaa in diyaaradaha qumaatiga u duula ay garaacayaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas si ay mucaaradka guul uga gaaraan tiiyoo dadkala baxay ciidamada xorta ah ee Syriana ay meelaha qaar iska caabbin xoogleh kasameeyaan.
?
Ururada xuquuqda aadanaha ee dalka Syria indhaha ku haya ayaa sidoo kale sheegey in bishan August oo kaliya ay dagaalada Syria ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa 4000 (afar kun oo ruux) taasoo ka dhigaysa bishii ugu dhiig daadinta badneyd taniyo intii ay bilowdeen dagaallada kacdoonka ku saleysan ee dalkaas Bishii march2011.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: