Shirkadda Samsung oo lagu xukumay inay bixiso lacag magdhow ah oo gaaraysa $1billion oo dollar.

?

USA-Aug-25-2012-Shirkaddatechnology-yadda ee Samsung ayaa lagu heley dambi ah in ay xadday mid ka mid ah naqashadaha shirkadda kale ee Apple oo ay dhinaca waxsoo saarka ku baratamaan.
?
Maxkamad kutaalla dalka Maraykanka oo dhawaanahaanba ay hortaallay dacwadda la xiriirta in Samsung ay si bareer u soo saartay qaar ka mid ah naqshadaha Apple ay caanka ku tahay gaar ahaanna mobile-ka I phone ayaa haatan xukunkeeda kusoo gabagabeeysay in shirkadda Samsung ay ku cadaatay in dambigaasi ay gashay sidaas awgeedna ay bixiso lacag magdhow ah oo dhan 665 million oo yuuro, oo u dhiganta $1billion oo dollar.
?
Gartan waxaa lagu qaaday maxkamadda Gobolka California ee dalka Mareykanka waxaana gudiga maxkamadda oo ka koobnaa 9 xubnood ay mid walba oo labada shirkadood ka mid ah weydiiyeen 700 oo su?aalood intii ay dacwaddu socotay.?
?
Doodda kusaabsan dacwaddan ayaa dad badan oo ah taageerayaasha iyo saamileyda shirkadahaasi ay aad u sugayeen mudadii ay socotay taasoo xukunka haatan kudhacay Samsung ay u arkaan mid horseed u noqon kara in shirkadaha isku shaqadaahi aysan isku xad gudbin.
?
Apple iyo Samsung waa labada shirkadood ee caalamka ugu soo saarka badan technology-yada casriga ah, gaar ahaanna Mobilelada ugu qaalisan suuqyada dunida iyo Computerada ugu quality-ga badan.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com