DHEGEYSO-Galmudug oo beenisay in gudoomiyaha barlamaanka mooshin laga gudbiyey.

Cadaado, Oct 29 2016–Iyadoo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo sheegay in ay tiro ahaan gaarayaan 33 Mudane ay Mooshin Xilka qaadis ah ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa ka hadlay Mooshinkaas Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Galmudug.  

Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaa sheegay in uusan jirin Mooshin lagu keenay Sifo Sharci ah oo ka yaalla Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Maxamed Axmed Maalin ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Fasaxay Xildhibaanada islamarkaana Sababta loo fasaxay ay tahay Doorashooyinka ka dhacaya Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com