HomeUncategorized

DHEGEYSO-Bahda Waxbarashada Puntland oo cambaareeyey xariga dowladdu kula kacday Daljir.

(July 04 2016)-Xarumaha Idaacadda Daljir ee Boosaaso, Garoowe iyo Galkacyo ayaa maalinkii 12aad oo xiriir ah hawada ka maqan kadib markii ay dowladda Puntland bishii hore ku amartay in la xayiro Idaacadda.

Dawladda oo sheegtey in ay guulo ka soo hoyeen dagaalladii maanta ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno horleh oo diriri ay ka socoto. [Akhris …]
Xaliimo Faarax ?Odoyaasha dhaqaanka xil iskama saarin doorka haweenka ee baarlamanka? (Dhegeyso)
M/weyne Shariif oo Minnesota imaanaya xilli Somalida Minnesota uu khilaafkoodii soo shaac baxay.

(July 04 2016)-Xarumaha Idaacadda Daljir ee Boosaaso, Garoowe iyo Galkacyo ayaa maalinkii 12aad oo xiriir ah hawada ka maqan kadib markii ay dowladda Puntland bishii hore ku amartay in la xayiro Idaacadda.

Xariga Daljir waxaa horay u cambaareeyey xildhibaanada barlamaanka, xiyaasiyiin xilal soo qabtay, Isimo, iyo qaybaha kale ee bulshada, waxaana hadda kusoo biiray bahweynta waxbarashada oo ay Daljir la’ahayd saaxiib joogto ah.

Gudoomiyaha ardayda jaamacadda Bariga Afrika fareceeda magaalada Garoowe Daa’uud Sakariya Xirsi, oo maanta lahadlay Daljir Garoowe ayaa sheegay in dhamman qaybaha bulshadadu ay tebeen maqnaanshaha Daljir.

Dhanka kalena Daa’uud ayaa sheegay in siweyn loogu darsaday barnaamijkii Tartan iyo tacliin oo isugu jirey maaweelo bulsho iyo madal aqooneed ay ku xirnaayeen kumanaan dad Soomaaliyeed ah.

C,rashiid Bashiir Maxamuud oo Garoowe Jooga ayaa waraystay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: