HomeUncategorized

Xaliimo Faarax ?Odoyaasha dhaqaanka xil iskama saarin doorka haweenka ee baarlamanka? (Dhegeyso)

Boosaaso, December 31, 2013 - Ururrada haweenka Puntland ayaa muujiyey inaysan ku faraxsanayn kaalinta ay ku yeesheen baarlamanka cusub ee Puntland, kuwaas oo xalay la shaaciyey.

DHEGEYSO-Puntland oo mashaariic horumarineed ka fulinaysa Buuhoodle.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Xarunta Galkacyo 09 07 2016.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya

Boosaaso, December 31, 2013 – Ururrada haweenka Puntland ayaa muujiyey inaysan ku faraxsanayn kaalinta ay ku yeesheen baarlamanka cusub ee Puntland, kuwaas oo xalay la shaaciyey.

Gudoomiyaha dallada nabadaynta haweenka Puntland Xaliimo Maxamed Faarax ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in 66 mudane ay ka helaan haweenka hal xubin oo keliya.

Raxmo Cabdixabiib Jaamac ayaa ah xubinta keliya ee haween ah isla markaasna ku jirta baarlamanka cusub ee Puntland.

Odoyaasha dhaqanka ayey haweenku ku eedeeyeen in aysan ilaalin isla markaasna xil iska saarin doorkooda gollaha wakiilada cusub. Ururrada haweenku waxay dadaal ugu jiri doonaan doorka siyaasadda sida ay sheegtay Xaliimo Faarax.

Nikcholas Kay oo ah ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa mar uu booqday Puntland, wuxuu odoyaasha dhaqanka kala hadlay in xildhibaanada lagu soo daro haweenka, weliba waxaa la isku afgartay ilaa 5 xubnood.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: -Faadumo Taxadar oo daljir ka tirsan ayaa diyaarisay war-bixin arintaas ku saabsan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: