Xarumaha Daljir Boosaaso Garoowe iyo Galkacyo oo maalintii 12aad sharci darro ugu xiran Puntland.

(July 04 2016)-Xarumaha Radio Daljir ee magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Galkacyo ayaa wali hawada ka maqan kadib markii dowladda Puntland ku xidhay sifo aan sharci ahayn.

Xariga Daljir oo galay maalinkii 12aad ayaa ah mid dowladdu ay wali ka aamusan tahay xilli ay isa soo tarayso cabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku taxnaa barnaamijyada iyo wararka ka baxa Daljir.

Maamulka guud ee Daljir iyo ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa sheegay in idaacaddu qareen qabsan doonto ayna maxkamad la fuuli doonto cidii ka dambaysay xariga sharci darrada ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com