HomeUncategorized

Dawladda oo sheegtey in ay guulo ka soo hoyeen dagaalladii maanta ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno horleh oo diriri ay ka socoto. [Akhris …]

Muqdisho, July 12 - Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay in ay guulo ka soo hoyeen dagaalladii ka dhacay Maanta magaalada Muqdisho ee

Afhayeenka guddiga doorashooyinka oo shaaciyey hannaanka asxaabtu u kala hari doonaan.
Baahin: Arbaca, Nov 23, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Puntland oo ku eedaysay Galmudug khalkhal gelin amniga Galkacyo; “Hawlaha madaarku caadi ayay u socdaan, wax hakad ahina kuma imaan” Maareeyaha madaarka Galkacyo; R/wasaare Gaas oo beeniyey in dawlada federaalku ay ciidan u qorato dhallaanka.
Madaxweynaha oo daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka

Muqdisho, July 12 – Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegatay in ay guulo ka soo hoyeen dagaalladii ka dhacay Maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaddib markii sida ay sheegtey ay riixeen ciidamada dawladda kooxaha ka soo horjeeda.

Cabdifataax Shaaweeye oo ah guddoomiyaha ku xigeenka gobolka Banaadir ayaa sheegey in ciidamada dawladda ay ku suganyihiin goobo ay ka soo qaadayeen duullaan kooxaha dagaallada ugala soo horjeeda dawladda ee AL Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Cabdifataax Shaaweeye oo Saaka qaar ka tirsan saxafiyiinta magaalada Muqdisho ay ku wehliyeen mar uu booqdey goobihii ay saaka dagaalladu ka dhaceen ayaa waxaa uu susiyey meydad fara badan oo ay leeyihiin kooxda ALShabaab ku waas oo lagu karey dharka cagaaran ee ay kooxdaasi xidhaan.

Waxaa uu sheegey Cabdifataax Shaaweeye in ay ka qabsadeen saldhigyo ku yaallada deegaannada Cabdulcasiis, Shibis iyo Kaaraan halkaas oo ay kula wareegeen ciidamada dawladda isaga oo tibaaxey in ay ka qabsadeen gawaari kuwa dagaalka ah iyo Raashin waxaana uu sheegey in raashinka ay u qaybiyeen dad ku tabaaleysnaa deegaankaasi, oo sida uu sheegey u baahna raashinkaas.

Waxaa uu xusey in ay sii wadayaan ciidamada dawladda dirirta tan iyo inta ay ka sifaynayaan deegaannada ay ku sii suganyihiin kooxaha Xisbul Islaam iyo Al Shabaab.

Dhinaca kalena waxaa haatan dagaal uu ka socdaa deegaanka Gal-galato halkaas oo toddobaadyadii ugu danbeeyey ay ku sugnaayeen kooxda AL Shabaab oo ay kala wareegeen ciidamada DFKMG.

Deegaannada Waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa xoog ku yeelanayey kooxaha Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ku waas oo inta badan oodeegaannadaas ah kala wareegey ciidamada dawladda toddobaadyadii ugu danbeeyey.

Cumar Yare.
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: