HomeUncategorized

DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Wafdi ka socda IGAD

March 27 2016 (DALJIR)- Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 27-March -2016 waxaa uu garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko ee duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey Wafti Ballaadhan oo oo ka socdey urur goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin.

Idaacadaha Galkacyo oo ka dooday baahinta barnaamijyo khuseeya nabadda.
DHEGEYSO-Wararkii ugu dambeeyey ee roobab ka da’ay gobolada Bari iyo Gardafuu.
Federaalka Oo qorshaynaya in howlgalka ku sumtan AMISOM ee Kenya laga bedelo Kismaayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Urur Gobaleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha guud ee IGAD Maxbuub Macalin, iyadoona ay wada qaateen kulan gaar ah oo looga hadlayey mashaariicda horumarineed ee urur goboleedka IGAD uu kufaliyo Puntland.

Waftigaasi ka socdey urur goboleedka IGAD ayaa ujeedka Socdaalkoodu waxaa uu ahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay kamid tahay dhammaystirka wejiga labaad ee garoonka caalamiga ah ee Boosaaso iyo hambalyo ay uwadeen ciidamada qalabka sida ee Puntland oo ka sifiiyey kooxihii sharwadayaasha ahaa ee duullaanka kusoo qaaday goobo kamid ah deegaano xeebeedyada  Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Igad ay kaduliso Puntland masaariic dhowr ah isla markaana ay maanta u yimaadeen in ay sii xoojiyaan dardar gelinta mashaariicdaasi iyo hirgelinta mashaariic kale oo cusub oo ay kamid tahay dhammaystirka wejigii labaad ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, barnaamijyo la xiriira adkaynta nabadgeliyada, iyo dugsiyo lagu baran doono farsamada gacanta iyo Kalluumaysiga oo dhowaan laga hirgelin doono Puntland.

Xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD Ambassador Maxbuub Macallin ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin hawada u mariyey ciidamada difaaca Puntland oo iyagoo aan wax taageero caalami ah aan haysan guulihii taariikhiga ahaa kasoo hooyey kooxihii sharwadayaasha al shabaab ee duullaanka kusoo qaaday Puntland, isla markaana waxa uu arrintaasi ku tilmaamay in ay tahay mid lagaga dayan doono Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: