Federaalka Oo qorshaynaya in howlgalka ku sumtan AMISOM ee Kenya laga bedelo Kismaayo.

Kismaayo, 30, June 2013- Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa markale dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo ugu baaqday in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalada kasoo cusboonaaday Magaalo xeebeedka Kismaayo, kaasi oo ay dawladdu sheegtay in uu sababay Barakac, Dhimasho iyo bur-Bur hantiyeed ku yimid dadkii daganaa halkaasi.

Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yaroow oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxaa uu ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada kismaayo, dhinacyada ku dagaalamayana ugu baaqay in dadka halkaasi dagan laga daayo dagaalada, ayna si shuruud la’aan ah ku joojiyaan Dagaalada mar kale.

” Dawladdu waxay doonaysaa in dirirta laga daayo dadka ku nool magaalada kismaayo, taasi oo barakac ku keentay dadkii halkaasi deganaa, waxaanu ugu baaqayna awal horena ugu baaqnay dhinacyada ku dagaalamaya kismaayo in ay joojiyaan dagaalada isi soo taraya, waa taas sida aan annagu rabno, oo xalku kujiro, lana sameeyo gogol fariisi labada dhinac ” ayuu yiri wasiir-kuxigeenka wasaarada warfaafinta soomaaliya.

Docda kale Wasiir-kuxigeenka Warfaafinta soomaaliya Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa waxaa uu ku eedeeyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwo Kenya ee ku sugan kismaayo in aysan dhex-dhexaad ka ahayn arrintaasi, oo sida uu sheegay ay la safteen mid ka mida dhinacyadii dagaalamayey, waxaana uu intaasi ku daray in dawladdu wado qorshe ah in ciidamo aan ahayn Kenya lagu geynayo magaaladaasi.

Hadalka wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta soomaaliya ayaa waxaa uu imaanaya xilli xaalada amaan ee magaalada kismaayo ay tahay mid aan cago badan ku taagnayn, balse wararkii ugu dambeeyay oo aan ka helayno magaalada kismaayo waxay ku waramayaan in gacan ku haynta guud ee magaalada xeebta ah ay haatan maamulayaan Ciidamada Jubbaland iyadoo ay banaanka galbeed joogaan dhanacyadii kale.

?

Maxamed Cali

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com