HomeUncategorized

(Dhagayso) Shaacuur: Baarlamaanka Puntland waxay wadaan olole ay kaga jawaabayaan tacadiga Saxaafadda

Garowe, June, 27, 2016 - Xildhibaan CabdiKariin Xuseen Guure oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu si adag uga hadlay xariga Radio Daljir, waxaana uu ku tilmaamay in Daljir ay sharci-darro ku xiran-tahay maalintii 5aad.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi.
Xanuuno kala duwan iyo biyo la,aan baahsan oo ka jirta degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.
Kenya oo Sheegtay in ay Qabatay Hub u socday Al-shabaab

Garowe, June, 27, 2016 –  Xildhibaan CabdiKariin Xuseen Guure oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Radio Daljir waxaa uu si adag uga hadlay xariga Radio Daljir, waxaana uu ku tilmaamay in Daljir ay sharci-darro ku xiran-tahay maalintii 5aad.

“Xariga idaacadda Daljir waa wax aan qurux-badnayn, aad iyo aad baan u cambaaraynaynaa, una dhaliilsannahay, ka baarlamaan ahaana, waxaan rajaynayaa in aan olole ka gal-no, isla xisaabtanna ka gal, kama hor dhacayo ololaha baarlamaanka, shaqada iyo mas’uuliyada noo taalana waan garanaynaa”

Xildhibaan Shaacuur wuxuu sheegay in xukuumadda Puntlnad aysan marna ka filanaynin ficillada tacadiga ah ee lagu hayo warbaahinta, waxaana uu ku baaqay in xukuumaddu ixtiraamto sharciga dalka, saraynta sharciga ayuu ku baaqay mudane Shaacuur.

Hoos ka dhagayso Waraysi uu la yeeshay wariye Jamaal Faarax Aadan

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: