Xanuuno kala duwan iyo biyo la,aan baahsan oo ka jirta degmada Balidhidin ee Gobolka Bari.

Balidhin, 5, 2013- Maamulka iyo waxgaradka degmada Balidhidin ee gobolka Bari waxay cabasho xoog leh ka muujiyeen biyo la,aanta halkaasi ka jirta, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in dhulkaas lala gaaro adeegyo dhinaca biyaha ah.

Duqa degmada Balidhin Maxamed Jaamac Ow Muuse ( Cadaysay) wuxuu sheegay in deeganada miyiga iyo tuulooyinka qeybtood ka ay ka jirto biyo laanta, wuxuu ka dalbaday bulshada reer Puntland iyo hay,adaha caalamiga ah intaba in gargaar dhinaca biyaha ah lala soo gaaro deeganka.

Waxgaradka degmada Balidhin sidoo kale waxay sheegeen in biyo la,aantu ay sababtay xanuuno kala duwan, weliba xanuunadaasi oo ka dhashay biyo wasakhaysan oo ay cabeen dadka isitcmaaleen markii heli waayeen biyo ku filan oo nadiif ah.

Nabadoon Catoosh Maxmaed oo booqday xaruunta Daljir ee Bosaso wuxuu sheegay.? Dhowr xanuun ayaa hadda ka jira deegaanka weliba miyiga iyo tuulooyinka hoostaga Balidhidin xataa magaalada lafteeda, arintu hadda faraha ayey ka sii baxaysaa waxaan dalbanaynaa taageero?.

Dhamaan biyihii ku jiray baraagaha khaaska ah ee dadku isticmaali jireen ayaa dhamaaday kadib labba xili roobaad oo aysan wax roobab ah halkaasi ka di?in, maamulka iyo waxgaradku waxay sheegeen in aysan jirin ceelal biyaha soo saara oo ku filan dadka deegaanka oo haatan jira.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com