Radio Daljir oo habeenkii 5aad sharci-darro ku xiran iyo cadaadis la saaray xukuumadda Puntland

Garowe, June, 27 – 2016 – Waxaa maalintii 5aad ku xiran sharci-darro Radio Daljir oo albaabada la isugu dhuftay 23-dii bishaan, xariga Radio Daljir waxaa si adag uga hadlay dowlado, ururo, hay’ado madax-banaa, siyaasiyiin, issimo, culumo iyo waxgarad-ba, waxaana hadalladaasi ay cadaadis ku sameeyeen xukuumadda uu hoggaaimiyo Cabdiwali Cali Gaas.

Radio Daljir oo ka jawaabaysa sharci-darrada lagu xiray waxay qabsatay qareen u dooda xaquuqda idaacadda, waxaana Daljir ay Gal-dacwadeed la furanaysaa Makamada Sare ee Puntland.

Dacwada ay diyaarinayso Radio Daljir waxaa barbar-socda wadaxaajood ay wadaan shaqsiyaad aad u danaynaya in ay sulux ku dhammeeyaan qaddiyadaan ugub-ka ah.

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com