DFS oo sheegtay inuu soo hagaagayo xiriirka kala dhexeeya Kenya

DFS oo sheegtay inuu soo hagaagayo xiriirka kala dhexeeya Kenya

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka hadashay khilaafka u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo Kenya iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee khilaafka.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kadib hadalladii ay is-weydaarsadeen in hadda labada dhinac ay isku afgarteen in xiisadda la qaboojiyo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la yareeyo khilafka jira, in xiriirka lagu soo celiyo iskaashiga iyo wadashaqeyntii uuna soo hagaagayo.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ka hadlay isagoo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo Kenya.

“Wasaaradaha arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka shaqeyn doono xilliga uu booqan doono dalka Kenya.”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa hore ugu eedeysay dowlada Kenya inay farogelin ku hayso dalka Soomaaliya,waxaana dhowaan magaalada Muqdisho yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya isagoo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com