DFS oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

DFS oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska gor-gor ayaa howlgal ka fuliyey degaanka Ceel-Maracadde ee gobolka shabeelaha hoose, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay howlgalka ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka inta uu socday ayaa saraakiisha waxaa ay sidoo kale sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab lacagaha dad uga qaadi jireen & Maxkamad ay ku lahaayeen degaanka Ceel-Maracadde ee gobolka shabeelaha Hoose.

War lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku dileen 17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aan howlgalka fah faahin dheeraad ah laga bixin.

Degaanka mara-cadde oo ay Ciidamada howlgalka ku fuliyaan ayaa ku yalla inta u dhexeeysa dhulka dhoobeeyda iyo dhanka xeebta ee degmooyinka afgooye iyo marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com