DFS oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

DFS oo sheegtay inay dishay xubno ka tirsan Alshabaab

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska gor-gor ayaa howlgal ka fuliyey degaanka Ceel-Maracadde ee gobolka shabeelaha hoose, waxaana saraakiis

Wasiirka Amniga Iyo Taliye Odawaa Oo Ka Shiray Qorshaha Xasilinta Deegaanada La Qabsaday
Puntland iyo Jubaland oo ka wada tashanaya siyaasadda doorashooyinka soo fooleh ee Soomaaliya (daawo)
Saaka & Dunida iyo Najiib Zaki, Daljir Qardho (dhegayso)

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska gor-gor ayaa howlgal ka fuliyey degaanka Ceel-Maracadde ee gobolka shabeelaha hoose, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay howlgalka ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka inta uu socday ayaa saraakiisha waxaa ay sidoo kale sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab lacagaha dad uga qaadi jireen & Maxkamad ay ku lahaayeen degaanka Ceel-Maracadde ee gobolka shabeelaha Hoose.

War lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku dileen 17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aan howlgalka fah faahin dheeraad ah laga bixin.

Degaanka mara-cadde oo ay Ciidamada howlgalka ku fuliyaan ayaa ku yalla inta u dhexeeysa dhulka dhoobeeyda iyo dhanka xeebta ee degmooyinka afgooye iyo marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: