DFS oo qalab cafimaad gaarsiisay degmadda Xudur ee gobalka Bakool

HomeWararka

DFS oo qalab cafimaad gaarsiisay degmadda Xudur ee gobalka Bakool

Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaa

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo laamaha Amniga kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab
Dallada PUNSA oo Garowe kusoo bandhigay shir ku saabsan Calaamadinta Xuduudaha Gobaladda Puntland (dhegayso)
Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay degmada Xudur ee gobalka Bakool, si sare loogu qaado awoodda la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad iyo dawooyinka oo lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed, Maamulka gobalka Bakood iyo maamulka degmada Xudur, waxaa kamid ah Maaskaro iyo dharka ay xirtaan howl-wadeennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada la xanuunsan Feyruska Karoona.

Wasiirka caafimaadka Koonfur Galbeed, Maxamed Cusmaan Xaaji, Guddoomiyaha gobalka Bakool, Maxamed Cabdi Maxamed (Tall), iyo guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallim Axmed, ayaa ka mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda federaalku ku wareejiyay.

Howl-wadeennada farsamo ee ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xudur geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

Dowladda federaalka ayaa horay qalab caafimaad iyo dawooyin u gaarsiisayay degmooyin iyo goballo ka tirsan dowlad gobaleedyada dalka si sare loogu qaado dadaallada kahor tagga iyo xakameynta xanuunka COVID19 ee dhibaatada ku haya dunida oo dhan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: