Somaliland: Wasiirki labaad oo laga helay cudurka Covid-19

Somaliland: Wasiirki labaad oo laga helay cudurka Covid-19

Wasiirkii labaad oo xukuumadda Somaliland ka tirsan ayaa sheegay in laga helay cudurka Covid-19.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiweli Suufi, ayaa War uu soo saaray ku sheegay in uu haleelay Covid 19.

“Aniga oo ka duulaya mas’uuliyadda iga saaran badqabka iyo caafimaadka qoyskeyga iyo ka bulshada aan xila u hayo waxa aan si iskay ah (Personal) isaga baadhay Caabuqa COVID-19, kadib markii aan iska shakiyay, baadhitaankaa oo natiijadiisu noqotay ‘Positive’.
Ujeeddada ugu weyn ee aan isku baadhay waa in aan qayb ka noqdo dadaalka lagaga hortagayo Covid-19 islamarkaana lagu xakamaynayo faafida xanuunkani ku faafayo bulshada dhexdeeda” ayuu yiri Suufi.

Waxaa uu sidoo kale intaasi kusii daray “Markii aan ogaaday natiihada waxa aan islamarkiiba baadhitaan aan ku sameeyey xubnihii qoyskeyga iyo shaqaalaha Wasaaradda oo jawaabta aanu sugayno. Imika caafimaadkaygu aad ayuu u fiican yahay, shaqadii aan qaranka u hayayna guriga ayaan ka soo shaqeeya, iyada oo aan qayb guriga ka mid ah isku Karantiimay muddo 14 maalmood ah”

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa horay u shaaciyay in laga helay cudurka Covid19.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com