HomeUncategorized

Degmada Burtinle oo maanta la gubay khamri ay xukuntay maxkamadda degmada.

Burtinle, 11,Aug- Maxkamadda degmada Burinle ayaa maanta xukuntay 440 dhalo oo khamri ah gaar ahaan nooca loo yaqaan DRY GENE khamrigaasi oo maxkamaddu ku riday xukun gubid ah , waxaana aan la xukumin raggii watay oo iyagu baxsaday xiligaa khamrigan la soo qabanayay.rn

Madaxweynaha Puntland oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidul Fidriga.
DHEGEYSO-Axmed Madoobe*AMISOM Waa in mudo kooban dalka looga saaraa*.
?Adeegyada deg degga ah & taleefanada gargaarka deg degga ah ee 999 & 911 oo laga hirgaliyey Puntland.

Burtinle,? Aug? 11 -? Maxkamadda degmada Burinle ayaa maanta xukuntay 440 dhalo oo khamri ah gaar ahaan nooca loo yaqaan DRY GENE khamrigaasi oo maxkamaddu ku riday xukun gubid ah , waxaana aan la xukumin raggii watay oo iyagu baxsaday xiligaa khamrigan la soo qabanayay.

Khamrigan ayaa lagu gubay meel qiyaastii u jirta 3km degmada Burtinle iyadoo ay ka qayb galeen garsoorka maxkamadda,saraakiisha ammaanka,maamulka degmada iyo dadweyne aad u fara badan oo isaga jira qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaasoo isaga kala yimida xaafadaha degmada.

Khamrigan ayay ciidanka ammaanka gacanta ku soo dhigeen labadii bishan aynu ku jirno ee Augost xili la doonayay in si dhuumalaysiya lagu soo galiyo deegaanka waxaana isla waqtigaasba baxsaday ragii watay oo ahaa labo nin.

Taliye saldhiga degmada Burtinle Siciid Cabdi Axmed oo waraysi siiyay Radio daljir ayaa sheegay inay khamrigaasi ku guulaysteen soo qabashadooda ka gadaal markii ay is kaashadeen ciidanka Booliska iyo dadweynaha degmada ayna sii wadi doonaan hawl-galada lagula dagaalamayo maan-dooriyaha iyo burcad-badeeda oo dhawaan dhaqdhaqaaqooda laga dareemay degmadaasi, dhanka kale Maamulka iyo culimada diinta oo iskaashanaya ayaa dhanka kale todobaadka soo socda bilaabaya wacyi-galino iyo muxaadarooyin ku aadan suulinta waxyaabaha keenaya anshax xumada iyo fisqiga culimadana ay masaajida dadka kaga wacdin doonaan.

Diiwaanka Wararka

Cabdirisaq Silver

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: